Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumada Somaliland Oo Mamulka Puntland Uga Digtay In Ay Diwaangalin Ka Samayso Dhahar

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dhahar)-Xukuumada Somaliland ayaa mamulka Puntland uga digtay in ay diwaangalinta doorashada ka samayso deegaanka Dhahar, iyadoo taageertay diidmo ay shacabku ka muujiyeen qaadashada kaadhka codaynta Puntland.

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Axmed Aadan Guray, oo ka hadlay mudaharaad dadka deegaanka degmada Dhahar ay ku diideen in ay qaataan kaadhka codaynta Puntland, ayaa Puntland ugu baaqay in ay go’aanka shacabka ixtiraamto.

“Waxan hada shir saxafadeedkan u qabtay, in dadku waxayna doonayn aan lagu qasbin, dadkani way tashadeen, go’aan bay gaadheen, go’aanka ay gaadheena iyaguna kama noqonayaan, kuwa doonaya in ay socodsiiyaana u suuroobi mayso”

Waxa uu sheegay in bulshadu go’aan ku gaadhay in anay Puntland deegaankooda wax diwaangalin ah kasamayn, kadibna maamulka Puntland uu xoog shacabka u isticmaalay kadib markii ay shacabku diideen in ay qaataan kaadhadhka codaynta dowlad goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Waxa uu Puntland uga digay in ay cabudhiso shacabka isaga oo sheegay in uu Puntland usoo jeedinayo in anay waxyeelayn amniga deegaanada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dadweynaha degmada Dhahar ayaa ka mudoharaaday diwaangalinta codbixiyayaasha oo Puntland doonaysay in ay deegaankan ka fuliso, waxaana jira isku dhac dhex maray booliska mamulka Puntland iyo shacabka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this