Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad ku dhintay dabaylo qaban daran wata oo ka dhacaya Maraykankq

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dabeylo baraf wata oo Talaadadi shalay ku dhiftay qeybo badan oo ka mid ah gobollada koofurbari ee Mareykanka.

Labada qof ayaa ku dhintay shil ka dhacay mid ka mid ah waddooyinka waaweyn ee gobolka Texas, sidoo kale laba sarkaal oo ka mid ah ciidanka booliska jidadka ayaa ku dhaawacmay shil baabuur.

In ka badan 1,700 oo duullimaad ayaa dabeylahaasi qaboow dartood loo baajiyay guud ahaan Mareykanka saacadihi lasoo dhaafay. Dabeylaha ayaa saameeyay ku dhawaad 40 milyan oo ruux.

Khubarrada saadaasha hawada ayaa ka digay in dabeylahan barafka wata ay saameyn doonaan laga soo billaabo galbeedka Texas ilaa gobolka West Virginia.

PUNTLAND POST

The post Dad ku dhintay dabaylo qaban daran wata oo ka dhacaya Maraykankq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this