Deeq A. Posted February 1, 2023 Muwaadin Shiinees ah ayaa lagu dilay gobolka Oromia ee dalka Itoobiya, sida ay sheegtay safaaradda Beijing ee Addis Ababa, oo ku amartay muwaadiniinta inay kasoo baxaan aagagga halista ah. Sagaal muwaadin oo Shiinees ah ayaa habeenkii Isniinta lagu weeraray deegaanka Gebre Guracha, oo 160 km waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah, sida ay safaaradda ku sheegtay bayaan. “Nasiib-darro, mid ka mid ah ayaa la toogtay oo dhintay,” ayey tiri safaaradda, oo aan bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan dhacdadan ama muwaadiniinta Shiineeska ah. Safaaradda Shiinaha ayaa sidoo kale sheegay in “kiisaska halista ah ee weerarrada hubaysan, afduubka, iyo dhaca” ay ku badan yihiin Oromia iyo gobollada xuduudda la leh. PUNTLAND POST The post Muwaadin Shiinees ah oo lagu dilay dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites