Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee Shirka dalalka Gobolka ee maanta ka furmaya Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in uu maanta ka furmo shir Caalami ah oo u dhaxeeya Madaxda dalalka  Soomaaliya, Kenya, Jabuuti Iyo Itoobiya.

Shirkaas ayaa loogaga arrinsanaya ammaanka Soomaaliya iyo qorshaha ay dalka kaga baxayaan Ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya u joogay ee AMISOM balse dhawaan loo bixiyey howlgalka ATMIS.

Hoggaamiyeyaasha dalalka loo yaqaano Safka hore ee Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa la filayaa in ay Muqdisho soo gaaraan iyadoo inta badan Saaka la xidhay Wadooyinka muhiimka ah xudunta u ah isku socodka Muqdisho.

Ciidamada dalalka shisheeye ee Soomaaliya nabad ilaalinta u jooga ee AMISOM ayaa bilowday sanadkii 2007-dii xiligaas ay aad u taag darayd Dowladda Soomaaliya isla markaana inta badan ay Muqdisho ka talinaysay Al-shabaab.

Wixii intaa ka dambeeyay howlgalka AMISOM ayaa taageeray Ciidamada Soomaaliya iyagoo sidoo kale sugayey Amniga Madaxda sare iyo xarumaha muhiimka ah Sida Madaxtooyada iyo Golaha Shacabka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee Shirka dalalka Gobolka ee maanta ka furmaya Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this