Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Booliska oo soo qabtay nin dil iyo dhaawac ka geystay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1675164829710.jpg?fit=647%2C566&s

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo culus ka sameeyay duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Garasbaaley, halkaas oo ay ka soo qabtay nin hubeysan oo dil iyo dhaawac geystay.

Ninkan oo watay qorayga M-16 ayaa dhac ka geysanayey waaxda saddexaad ee deegaanka Garasbaaley, sida uu shaaca ka qaaday Booliska gobolka Banaadir.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in xilliga la soo qabanayay eedeysanaha uu dhac u geystay haweeney kamid ah dadka deegaanka oo ku sugneyd halkaasi.

“Ciidanka ayaa nikaan ka qabtay Waaxda 3-aad ee deegaanka Garasbaaley, xilli uu qof dumar ah ka qaatay teleefan waxa uuna watay Qoriga loo yaqaan M-16.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee  ka soo baxay Booliska.

Sidoo kale wuxuu Booliska sheegay in xilliga lasoo qabanayay ninkan uu la dagaamay ciidamada ammaanka, isla-markaana rasaasta uu furay ay ku dhintay 1 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeem laba kale oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Booliska ayaa sheegay in haatan la soo xiray eedeysanaha, isla-markaana loo gudbin doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Dhinaca kale isla ciidamada ammaanka Garasabaaley oo howlgal kale ka sameeyay deegaankaasi ayaa gacanta ku soo dhigay laba nin oo burcad ahaa, isla-markaana ku hubeysnaa mindiyo, kuwaas oo dhibaato ku hayey dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaas.

“Ciidanka ayaa labadaan nin ka qabtay Waxaada 1-aad ee Deegaanka Garasbaaley, waxaana lagu qabtay ilaa dhowr Taleefan oo ay ka dhaceen dad shacab ah, waxaana haatan lagu soo xiray Saldhigga Deegaanka,” ayaa markale lagu yiri qoraalka Booliska.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada lagula dagaalamayo burcadda ee ka socdo Muqdisho iyo hareeraheeda.

FB_IMG_1675164829710.jpg?resize=647%2C56 328321000_1564900757312002_8222220905705 328449450_897759074688984_14929782357828

The post Sawirro: Booliska oo soo qabtay nin dil iyo dhaawac ka geystay duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this