Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Laba musharax oo isku diiwaan-geliyey doorashaa kursiga Mahad Salaad

Recommended Posts

Deeq A.   
326785471_938538193972986_21670159675256

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada kursiga HOP#147 oo uu banneeyay Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad.

Guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa maanta bilaabay diiwaan-gelinta musharixiinta u tartameysa kursigaas, ayada oo ay isku diiwaan-geliyeen laba musharrax oo kala ah:- Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim iyo Aamina Tahliil Warsame.

Labada musharrax ayaa maanta shahaadada lagu guddoonsiiyay Dhuusamareeb oo ah halka ay ka dhaceyso doorashada, sida uu shaaca ka qaaday guddigu.

“Guddiga KMG ee doorashooyinka oo ku gudajira diiwaangalinta murashixiinta, diiwaangalinta ergada iyo tababar siintooda ayaa waxaa shahaadada murashaxnimada ee kursiga tirsigiisu yahay GSH # 147 qaatay labada murashax ee kala ah; 1-Aamina Tahliil Warsame 2- Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.

Doorashada kursiga ayaa sidoo kale lagu wadaa in beri oo ay ku beegan tahay kowda bisha Febraayo ka qabsoonto caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaana kursigan loo wadaa Ilyaas Sheekh Axmed, kaas oo garab ka helaya taliye Mahad Maxamed Salaad.

Musharax Ilyaas ayaa waxa uu hore u ahaa madaxii hay’adda NRC ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

Musharaxan ayaa sidoo kale la sheegaya in uu taageero buuxda uu ka haysto jufada kursiga leh iyo xildhibaankii hore u baneeyay Mahad Maxamed Salaad.

Kursigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay doorashadiisa qabtaan guddiga KMG ah ee ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay si loo buuxiyo kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Tan iyo markii la magacaabay guddigan ayaa waxaa soo baxayay eedeymo la xiriira in uu yahay mid dhinac ka raran oo u adeegaya danaha musharax gaar ah.

Si kastaba Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn loogu xasuustaa in mudadii uu banaanka ka joogay Villa Soomaaliya aad ugu dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo inuu musuq-maasuqay kuraasta baarlamanka qaarkood, haddii ay arrintaan dhacdana waxay muujin doontaa kala wareeg mabda’ oo ka yimid dhanka madaxweynaha.

326785471_938538193972986_21670159675256 328447289_508729084677933_83713961402876 328488337_1295471771031069_8857648248681 328501440_5811302845622294_3964686642630 328615154_703785218148742_72507498309385

The post Sawirro: Laba musharax oo isku diiwaan-geliyey doorashaa kursiga Mahad Salaad appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this