Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaasha Ciidamada Soomaaliya iyo Kenya oo ku kulmay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1675177550481.jpg?resize=720%2C48

Taliyaha ciidan xooga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Magaalada Muqdisho kula Kulmay dhiggiisa dalka Kenya General Robert Kariuki oo maanta soo gaaray Muqdisho.

labada Taliye ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac iyo xoojinta la dagaallanka Kooxaha Khawaarijta oo dhibaato ku ah ammaanka labada dal.

Taliyaha Ciidamada difaaca dalka Kenya General Robert Kariuki ayaa Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku bogaadiyay howlgalka Ciribtirka Khawaarijta ee ka socda dalka isagoo Ballan qaaday in ciidanka Kenya ee qeybta ka ah ATMIS ay door weyn ka qaadan doonaan ciribtirka Khawaarijta.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisu  uga mahad celiyay Kenya doorka ay qaadaneyso howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo dalka.

FB_IMG_1675177541244.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1675177545712.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1675177554666.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1675177558722.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Taliyaasha Ciidamada Soomaaliya iyo Kenya oo ku kulmay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this