Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Xaaska hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya oo xabsi ciidan lagu xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230130_122617376.jpg?resize=720

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in xabsi ciidan lagu xukumay xaaska hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sideed sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Fartuun Cabdirashiid Xuseen oo ah xaaska Cabdulqaadir Muumin.

Fartuun oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa xiriir shaqo la lahayd Bilaal Al-Suudaani oo kamid ahaa hoggaamiyaasha sare ee Daacish kaas oo dhowaan lagu dilay duqayn ka dhacday Gobolka Bari sida ay sheegtay Xeer Ilaalinta Maxkamada CQS.

Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale sheegtay in Fartuun ay Daacish u qaabilsanayd dhinaca dhaqaalaha islamarkaana si joogto ah Taleefonkadeeda loo dhexmarin jiray lacago u dhexeeya $100-200 oo Dollar oo ay u diri jirtay Daacish.

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Xaaska hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya oo xabsi ciidan lagu xukumay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this