Sign in to follow this  
Deeq A.

๐—š๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐˜๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฎ๐—ธ๐—ฎ ๐—น๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฒ๐˜† ๐—”๐—ฟ๐—ฟ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ค๐—ผ๐—ผ๐—บ๐˜‚-๐—น๐˜‚๐˜‚๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Ilkacase) oo ka mid ah golaha guurtida Somaliland ayaa soo jeediyay in xeer ay u sameeyaan ka gole ahaan dadka sifooba arrimaha qoomu-luudka, si loo helo xukun dhabb ah oo lagu fuliyo dadkaasi.

Dhinaca kale Xildhibaan Axmed Dirir Cali oo isna dhankiisa ka qayb qaadanayay dooda Ajandaha kal-fadhiga 80-aad ayaa golaha ka hor sheegay in xukunka dadka arrimahan ku sifoobay ay dastuurka Somaliland iyo sharciga ISLAAMKA ay dhigayaan, waxaanu daliishaday quraanka iyo axaadiista Rasuulka S.C.W ee ku saabsan xukunka dadka ku sifooba arrimaha qoomu-luudka.

Ugu dambayn Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo isna ka hadley arrintaasi ayaa hadalka ku adkeeyay in arrimahaasi loo daayo xukunka diinta ISLAAMKA iyo sharciga Samaawiga ah, taasina loo raaco sidii loo fulin lahaa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this