Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Gaashaandhigga JABUUTI oo ka soo dagay MUQDISHO + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
328279513_1301371930642967_4568076874144

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Jabuuti, Xasan Maxamed Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kasoo gaaray garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa wafdigan ku soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn Wasiirka Gaashaandhigga dalka Jabuuti ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubto ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, kuwaas oo qayb ka ahaa soo dhaweynta wafdigaan.

Intaas kadib labada mas’uul ayaa kulan hordhac ah ku yeeshay qaybta nasiinada ee garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay isaga xog wareysteen arrimo dhowr ah.

Ujeedka booqashada Wasiir Xasan Maxamed Cumar  ayaa la xiriirta mid ay labada dowladood ku xoojinayaan iskaashiga milatari ee labada dal ee walaalaha ah.

Sidoo kale wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeelan doono madaxda ugu sarreysay ee dalka, sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo uu kala hadli doono dagaalka Al-Shabaab.

Booqashadan ayaa sidoo kale dabab socoto safarkii uu dhowaan magaalada Muqdisho kusoo gaaray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo maalmo ku sugnaa caasimada, kadibna waxay labada dal is dhaafsanayeen booqashooyinka madaxda labada dowladood.

Jabuuti ayaa kamid ah dalalka sida weyn uga qayb-qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ku jirta howlgalka ATMIS, ayadoo ciidamadeeda ay joogaan Hiiraan.

Si kastaba, xiriirka ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti labada dal oo walaalo ah, misana daris ah ayaa cirka isku shareeray kadib dib u doorahadii Xasan Sheekh Maxamuud.

328253051_5811179838957889_6838528185800 328256756_1245041616370841_4941042784701 328279513_1301371930642967_4568076874144 328324071_1060822268643182_6219005018758 328333014_615279737274398_59754529746934 328436483_5800409323413012_4118762546164 328129952_1277155033141970_6233818729236 328157641_863143024939494_25962763788677 328159399_706544557718767_25672198551704

 

The post Wasiirka Gaashaandhigga JABUUTI oo ka soo dagay MUQDISHO + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this