Sign in to follow this  
General Duke

Vetran Police officers in Mogadishu support new Chief

Recommended Posts

Saraakiishii hore ee Booliska oo Muqdisho kusugan ayaa iska fogeeyay howlaha ay Muqdisho ka wadaan xubnaha labada Gole, Waxa ayna sheegeen in aan Booliska xiriirna lala samayn shaqana ku lahayn waxa ka socda Magaalada kuna tilmaamay in aysan xubnahan hows

 

Posted by webmaster on Thursday, June 16, 2005 - 03:42 AM

 

In ka badan 300 oo ka mida Saraakiisha sare ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed kuna sugan Muqdisho ayaa maanta shir ay ku yeesheen Dugsiga sare ee Booliska Muqdisho uga dhawaaqay inaysan waxba kala socon howlaha nabadeynta ah ee ka socda Muqdisho, ayna wadaan xubnaha labada Gole, waxayna sheegeen inaan Booliska wax xiriir ah lala sameyn qeybna ka ahayn arrimaha socda.

 

Saraakiishan oo ay hormuud u ahaayeen Jen. Cusmaan Gasgas, Jen. Maxamed Warsame Dhooley ayaa sheegay in ciidamada Boolisku diyaar u yihiin sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen nabad soo celinta, iyadoo si cad u sheegay inay isu diyaarinayaan soo dhoweynta Raysal wasaaraha iyo wafdiga la socda ee ku soo fool leh Muqdisho.

 

Jen. Dhooley ayaa caddeeyay inay aqoonsan yihiin taliyaha ciidamada Booliska ee uu magacaabay Raysal wasaare Geedi ninka lagu magacaabo Cali Madoobe, wuxuuna sii raaciyay inuusan isagu wax aqoon ah u lahayn ninkaasi, balse uu raacayo sida sharcigu yahay.

 

Waxa ayna intaas ku dareen in ay fowdo tahay waxa xubnaha labada Gole ee uu Hogaaminayo Shariifku ay ka hayaan Magaalada Muqdisho.

 

Idamaale News

Mohamoud_hussein@yahoo.co.uk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this