Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenay Weriye ah oo Xukumada Muuse Biixi Xabsiga u taxaabtay

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamada Amaanka ee Somaliland ayaa habeenkii xalay ahaa Hargeisa ku xidhay weriye Naciima Cabdiraxman Yuusuf oo ah Suxufiyad madax-banaan, mudo 5 sanno ahna ka hawlgalaysay Telefishanka SOMNEWS TV.
Suxufiyad Naciima ayaa la xaqiijiyey inay ku xidhan tahay xarunta Danbi-baadhista ee Hargeisa (C.I.D), ilaa hada lama oga sababaha loo xidhey.
Naciima oo ah Hooyo haysata 4 Caruur ah ayaa laga soo xidhey Hoygii ay Hargeisa ka deganayd, goor habeenimo ah iyadoo aan haysan wax ogeysiis ah, sida ay xaqiiyeen qaar ka mid ah eheladeedu.
Xadhiga Niciima, ayaa ku soo beegmaya xili ay xarunta C.I.D-da ee Hargeisa ay ku xidhan yihiin laba Suxufi oo ka hawlgalayey Telefishanka SOMNEWS TV, kuwaas oo maalmo ku siman todobaad u xidhan bilaa sabab, kuwaas oo kala ah Weriye Mohamed Koronto iyo Sawir-qaadey Mahdi Siyaad.
 SOMNEWS TV.
328125683_718850879939250_39397375278643
328138552_6007779369336120_3903927281388

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this