Deeq A. Posted January 29, 2023 Wasiirka Shaqada Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Xil. Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqa ku joogay Magaalada Dooxa ee Dalka Qatar ayaa halkaasi kaga qeybgalay Shirka Golaha Wasiirada Arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Carabta. Shirka waxaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriirka ciribtirka saboolnimada, daryeelka dadka baahiyaha gaar ka ah qaba iyo horumarinta ilaalin iyo adkaysiga bulshada wxana Gunaanadka shirka oo si guul ah ku soo idlaaday lagu dhisay Guddiga Fulinta ee Arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Carabta oo ka kooban toddoba (7) dal oo Soomaaliya ka mid tahay. “Sharaf wayn ayay inoo tahay in aan ka mid noqono, dal ahaan, hoggaanka Golahan, oo ah Golaha lagu soo dejiyo barnaamijyada iyo ajendayaasha mudnaanta leh ee la xidhiidha Arrimaha Bulshada”. Sidaa ayuu yiri wasiir Biixi Iimaan Cige Wasiirka ayaa sidoo kale shir doceedyo la qaatay madaxda shirka ka qeyb gashay kuwaa oo ay kamid ahayeen Wasiirka Shaqada ee Dawlada Qatar, Wasiirka Shaqada iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada ee Boqortooyada Sucuudiga, Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Qatar, Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Dalka Libya, Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Yemen, Madaxa Barnaamijka Horumarinta ee Dawladda Qatar kuwa oo ay ka wada hadleeyn iskaashiga arrimaha horumarinta Bulshada, shaqa abuurka, kobcinta awoodaha aadamah. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo shir weyne uga qayb gashay dalka Qatar appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites