Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada Dadka Qabowga Ugu Dhimanaya Afgaanistaan Oo Korodhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Sarkaal ka tirsan ururka Taalibaan ayaa sheegay in in ka badan 160 qof haatan la ogyahay inay u dhinteen cimillada qabow ee adag ee ku dhufatay waddanka Afgaanistaan.

Bayaan muuqaal ah oo uu soo duubay ayuu Cabduraxmaan Saahid oo ka tirsan wasaaradda maareynta musiibooyinka, ku sheegay in dadku ay sababsadeen siyaabo isugu jira daadad soo rogmoday, dab kacay iyo gaaska guryaha lagu kulayliyo oo ku qubtay guryahooda.

Hay’adaha gargaarka ayaa hore uga digay in in ka badan kala badh dadka Afgaanistaan ay gaajo wajahayaan.

Hay’adaha samafalka ee shisheeye ayaa hoos aad ugu dhacay tan iyo markii Taalibaan ay awoodda dalkaasi la wareegeen bishii Agoosto ee 2021-kii.

Bishii la soo dhaafay ururka Taalibaan ayaa meelmariyay sharci adag oo haweenka Afgaanistaan ka mamnuucaya inay u shaqo-tagaan hay’adaha bini’aadamka u gargaara.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this