Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoyska madaxweyne Deni oo la sheegay in ay dhaqaale ka sameeyaan dowladnimada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1674970674103.jpg?resize=720%2C48

Siyaasi Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo wareysi siiyay telefishinka Dalsan, ayaa sheegay in qoyska madaxweyne, Siciid Deni ay dhaqaale ka sameeyaan awoodda dowladnimada Puntland.

” Siciid Deni faamilkiisa oo dhan baa xilal ka haya Puntland; goobihii dakhliga oo dhan baa loo magacaabay, ganacsigii dalka oo dhan bay gacanta ku hayaan, qaadka dalka ka soo dhacay kumishinkiisa ayay qaataan” ayuu yiri Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.

Maxamed oo ka tirsan urur siyaasadeedka Horseed ayaa dhinaca kale ka hadlay diiwaan-gelinta doorashooyinka qof iyo cod ee ka socota Puntland oo uu ku tilmaamay mid khasab iyo jajuub ku socoto.

” Madaxweynuhu qoryo iyo ciidan buu ku kexeeyay qalabkii is diiwaan-gelinta, welina ku ilaalinaya, isaga oo ka baqaya in ay dadku diidaan, diiwaan-gelintu hadda waa mid khasab iyo jajuub ku socota” ayuu sii raaciyay.

PUNTLAND POST

The post Qoyska madaxweyne Deni oo la sheegay in ay dhaqaale ka sameeyaan dowladnimada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this