Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan Galmudug oo lagu dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16749386711939021.jpg?resize=437%

Farxiya Cabdi Maxamed oo ahayd wasiiru-dowlihii wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Galmudug ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqisho.

Koox baastoolado ku hubaysan ayaa sida ka xaqiijiyay salaadii cisho kaddib wasiiradda ku dilay degmada Warta Nabadda gaar ahaan waaxda saddexaad ee Horseed.

Madaxtooyada Galmudug oo ka hadashay dilka wasiir Farxiya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga tacsiyeeyay umadda Soomaaliyeed iyo reer Galmudug geerida ku timid Allaha u naxariistee Wasiir Farxiya Cabdi Maxamed oo aheyd Wasiiro dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee Dowladda Galmudug oo caawa kooxda argagaxisada ah khawaarijtu ku dileen Magaalada Muqdisho”.

Wasiirada la dilay ayaa la magacaabay 5 December ee sanadkii hore 2022, waxayna ku jirtay liis isku shaandhayn oo xiligaas golihiisa wasiiradda ku sameeyay Madaxweyne Qoorqoor.

PUNTLAND POST

The post Wasiir ka tirsan Galmudug oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this