Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilaalada wasiir ka tirsan Puntland oo wiilal walaalo ah dil iyo dhaawac ugu gaystay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230128_171540812.jpg?resize=685

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta halkaas ay ka dhacday rasaas dhalisay khasaare nafeed.

Ilaalada wasiirka dekedaha Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa sida la xaqiijinayo rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen laba wiil oo walaalo ah.

Marxuum Cabdirisaaq Yaasiin Maxamed ayaa ku dhintay rasaastaas halka uu ku dhaawacmay walaalkiis Fahad Yaasiin Maxamed sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha laamaha amniga Boosaaso.

Saraakiisha ayaa sidoo kale noo sheegay in baaritaan rasmi ah lagu samaynayo sababta rasaasta loogu riday labada dhalinyarada ah oo aan hubaysnayn.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ilaalada wasiirka ay ka shakiyeen gaariga ay saarnayeen labada wiil sidaasna rasaas ugu rideen.

PUNTLAND POST

The post Ilaalada wasiir ka tirsan Puntland oo wiilal walaalo ah dil iyo dhaawac ugu gaystay Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this