Sign in to follow this  
Deeq A.

Xeer Ilaaliyayaha Qaranka oo Muqdisho kula kulmay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230128_140440065.jpg?resize=592

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa magaaladda Muqdisho kula kulmay madaxa xafiiska EUCAP-SOM ee Soomaaliya Mr. Kauko Aaltoma.

Labadda mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Qaranka iyo Xafiiska EUCAPSOM isaga kaashan lahaayeen kor u qaadidda, daadajinta iyo sidoo kale, helidda adeegyadda cadaaladda dalka.

Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Mr Mr. Kauko Aaltoma ayaa isla gartay kor u qaadista qorshaha tayeynta xirfadaha shaqo ee howlwadeenadda xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

PUNTLAND POST

The post Xeer Ilaaliyayaha Qaranka oo Muqdisho kula kulmay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this