Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Garoonka kubadda Cagta Mire Awaare oo khilaaf u xirmay

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230128_145323165.jpg?resize=714

Garoonka kubadda cagta caasimadda Garoowe ee Mire Awaare stadium ayaa maanta oo Sabti ah albaabada loo laabay kadib khilaaf ka dhashay cidda maamulaysa.

Duqa degmada Garoowe, Geeddi Axmed Tuurre iyo guddoomiyaha xiriirka kubadda Cagta Puntland, Maxamed Ciiro ayaa isku haysta maamulka garoonka ciyaaraha Mire Awaare stadium, sida ay xaqiijinayaan xogo lagu kalsoon yahay.

Khilaafka labada mas’uul ayaa halkii u sarraysay gaaray, waxaana ka dhashay in uu gebi ahaanba xirmo garoonka Mire Awaare, taas oo saamayn ku yeelatay bahda ciyaaraha, gaar ahaanna dhalinyarada xiiseeya kubadda cagta.

Khilaafka ayaa sidoo kale saameeyay odayaasha cuslaaday ee jimicsiga ku samayn jiray garoonka Mire Awaare, si ay isaga ridaan miisaanka, sida ay noo sheegeen qaarkood oo ka walaacsan khilaafkaas.

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Garoonka kubadda Cagta Mire Awaare oo khilaaf u xirmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this