Sign in to follow this  
Deeq A.

Farqiga Garxajis iyo Dhulbahante u dhexeeya Muuse Biixi ma fahamsana

Recommended Posts

Deeq A.   
Wax aan is lahayn haddii aad isaga qiyas qaadato, xisaab qaldan baa kuu soo baxaysa. Farqiga West Burco Clan iyo Sool clan u dhexeeya Muuse ma fahamsana, xisaabaha sida weyn u ga qaldan baanay taasi ka mid tahay, hadaanay ahaynba ta u gu weyn. Beesha West Burco Clan oo badankoodu Waddani taageeraan, Muuse cadaadis ayay ku saaraayeen in doorasho la qabto ciddii doontaaba ha heshee, Muuse na taas buu diidanaa, welina diidanyahay. Si kasta oo Garxajisku ay u fahamsanyihiin in Muuse uu qaldanyahay, oo gardarro wado, oo sabab la’aan caruurtoodii si fulaynimo ah suuqyada u gu laayay iyaka oo aan hubaysnayn, oo hablahoodii jeelal u gu guray, taas oo ah wax aan abid dhicin, hadana ma doonayaan in Hargeysa iyo Burco dagaal ka bilaabmo oo la gu ka la yaaco. Waxa ay doonayaan in ninkan cadaadis dhab ah la saaro, iyada oo aanay dhibaato weyni dhicin na, kursiga la ga kiciyo ilayn xilka muddo cayiman uun baa loo dhiibay, oo boqor amma baadari kiniisad jooga ma ahee. Sidaas buu fikirkoodu yahay, sidaas baanu ahaanayaa ilaa inta ay cadaanayso in taasi aanay suurtagal ahayn. Fikirka mucaaridku ma gaadhin heer ay xabad ridaan, sidaas darted intii suurtagal ah is giiji oo Meesha is ku dheji weeye fikirkiisa doqonka ahi, waana taas sababta uu afka u taagayaa.
Is la sidaas oo kale, ayuu beesha Sool clan u haystaa. Duqsigii caanaha Hargeysa ku dabaal bartay, ee hadii aanu isa sixin, fuudka Laascaanood ku guban doona weeye. Ma oga, sidii West Burco Clan si aad u ga duwan, Sool clan in ay ka go’antahay in Laascaanood la gu ka la yaaco, oo ay xabadda ridaan hadii ay Khasab noqoto. Ma oga, oo xaqiiqo ahaan ma fahamsana, Sool clan waxa ay yihiin, waxa ay samayn karaan iyo sida ay u fikirayaan toona. Fahamka uu Beesha Sool clan ka haystaa waxa uu ka bilaabmaa Xildhibaan Indho-indho, waxaanu ku dhamadaa Saleebaan Cali-koore. Besba.
Alloow yaa wixii hore tagee, taliya oo yeela!
haaruun.jpg
Waxa Qoray:

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this