Deeq A. Posted January 28, 2023 Dowladda Ruushka ayaa lagu eedeyay in ay ku xadgudubtay xuquuqda aas aasiga ah ee carruurta xilliyada dagaalka kadib sidii ay ula dhaqantay carruur ka soo baxday dagaalka Ukraine. Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay in ay Moscow dhalasho siisay carruur yar yar oo ka soo qaxday dalkooda sidaasna loogu gacan geliyay qoysas Ruush ah oo korsada. Walaacaan ayaa imaanaya xilli ay dowladda Ruushka ay diiwaangelin iyo dhalasho siin u bilawday carruur aan gaarin da’da qaangaarka. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites