Sign in to follow this  
Deeq A.

Cudurka Daacuunka oo lagu arkay gobala ka tirsan Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo magaalada Mandheera ee gobalka waqooyi bari dalka Kenya ayaa sheegaya in uu ka dilaacay cudurka daacuunka.

Bartamaha bisha january ayaa isbitaalada la dhigay kiisas badan oo ah dad uu soo ritay xanuunka daacuunka.

Dhawr gobal iyo magaalooyin waawayn oo ka tirsan dalka Kenya ayaa uu si aad ah ugu faafay xanuunka, sida ay soo wariyeen qubarada.

Magaalooyinka xanuunka lagu arkay ayaa waxaa kamid ah  Gaarissa iyo Wajeer iyo magaalooyin kale oo ka tirsan ismaamulada Kenya.

Mandhera ayaa markii ugu horeysay xanuunka qof qaba lagu arkay 15-kii bishaan January, iyadoo maamulka ay ka hortag sameeyeen inta aan xanuunka imaan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this