Sign in to follow this  
Deeq A.

Goorta lasoo dooranayo kursiga MAHAD SALAAD oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Mahad-Salaad.jpg?fit=1080%2C719&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka banaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay jadwalka doorashada kursi ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si oo soo buuxiyo booskaasi.

Kursiga jadawalkiisa la shaaciyey ayaa ah Hop147, waxaana horay ugu fadhiyay Mahad Salaad oo loo magacaabay taliyaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, sidaasina uu ku waayey xubnimadiisii Baarlamaanka oo uu muddo ka soo tirsanaa,

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in maantaba la guda-galayo diyaar garowga doorashada kursigan oo ka dhici doonto magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Qoraal ka soo baxay guddiga doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in kowda bisha soo socota ee February la qabanayo doorashada kursigan oo ah mid aad isha loogu hayo.

Habraaca kuraastan loo mari doono ayaa sidoo kale ah midkii ay horay u dajiyeen xubnaha guddiyada SEIT ee doorashooyinka ka qabtay dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale guddiga ayaa farriin u diray ka qayb-galayaasha tartanka, isaga ku wargelinayay inay diyaar garoobaan, iskana xaadiraan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kursigan ayaa waxaa loo saadaalinayaa inuu kusoo baxo nin lagu magacaabo Sheekh Axmed, kaas oo kalsooni badan ka heysta beesha.

Guddiga ayaa sidoo kale qaban doono doorashada kuraasta kale ee bannaan, waxaana kamid ah kursiga Fahad Yaasiin oo isagana deegaan doorashadiisa ay tahay Beledweyne.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa sanadkii hore ka dhacday doorashooyin ay hareeyeen murano xoogan, taas oo keentay in kuraasta qaar laga keeno doodo xoogan.

FB_IMG_1674889387267.jpg?resize=634%2C96

The post Goorta lasoo dooranayo kursiga MAHAD SALAAD oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this