Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Iyo Suudaan Oo Ka Heshiiyay Muranka Biyaha Wabiga Nile

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyaha millatariga Sudan, ayaa sheegay in “Sudan iyo Itoobiya ay isku afgarteen dhammaan arrimaha ku saabsan” biyo xidheenka weyn ee Itoobiya.

Biyo xidheenkan ayaa lagu muran sanaa, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda Sudan ee Suna.

Isagoo ka hadlayay mar uu Khartuum kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed, oo safar shaqo ku jooga magaalada Khartoum Khamiistii, Gen Abdel Fattah al-Burhan, ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya dalalka Sudan iyo Itoobiya.

Abiy ayaa waxa uu sheegay in biyo xidheenka wabiga Niil aanu “wax u dhimi doonin danaha Sudan, balse uu ka faa’iidaysan doono maamulka Khartoum dhanka korontada”.

11-kii bishan January, ayaa wasiirada arrimaha dibadda ee Sudan iyo Masar waxay ku heshiiyeen “in la sii wado wada tashiyada” ku saabsan biyo xidheenka Itoobiya.

Maamulada Addis Ababa iyo Khartoum iyo Masar, ayaa waxaa u dhexeeya muran dheer oo ku saabsan biyo-xidheenka, kaasoo dowladda Sudan iyo maamulka Qaahira ay ka cabsi qabaan inuu yareeyo saamiga ay ka helaan biyaha webiga Niil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this