Sign in to follow this  
General Duke

300 new recruits join troops in Waajid...

Recommended Posts

Ciidammo tiradood gaarayso illaa 300-askri oo gaaray Xeryaha lagu tababarayo ciidammada Dowladda ee ku yaalla Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, si halkaas ay tababar ugu qaataan

Posted to the Web Oct 15, 11:52

 

 

Waajid (PP) - In ka badan 300 oo askari oo ku soo biiray ciidammda Qaranka ayaa gaaray xarumaha tababarka ciidamada ee degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaasoo lagu wado inay uga bilawdaan tababaro cusub oo dhinaca ciidamada ah, waxaana ay ka mid noqdeen ciidammadii xerooyinkaas horay ugu jiray.

 

Ciidammadaan Bakool soo gaaray ayaa ka yimaaday deegaanno ka tirsan gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, iyadoo warar dheeri ah oo ka soo gaaraya Puntlandpost Gobolladii ay ka yimaadeen ciidammadaan ay sheegayaan in kuwo kale la filayo inay gaaraan halkaas, iyadoo lagu wado in labada ciidan uu isku mar tababarku u dhammaado.

 

Beelaha ku dhaqan gobolladaas ayaa iyagu indhawaalaba waday ciidammo ay geynayaan halka uu uga tababarku, iyadoo mas’uuliyiiinta dowladda ee ku sugan Xudur ay sheegeen in dufcaddii koowaad ee ciidammada Qalabka sida loo dhameeyay tababarka, hadda ay isku diyaarinayaan sidii ay tababar ugu furi lahaayeen kuwa cusub.

 

Mas’uuliyiinta dowladda ee ku sugan Gobollada Bakool ayaa waday tan iyo sidii ay Bakool u tageen inay ururiyaan ciidamamda Qalabka sida si ay qayb uga noqdaan xasilinta iyo nabad ku soo dabbaalidda geyiga Soomaaliya, iyadoo aan illaa iyo hadda la shaacin tirada ciidammada dowladda ee ku sugan Degmada Waajid, balse waxay warar hordhac oo ka soo baxaya sheegayaan in ay gaarayaan ku dhawaad 1000-askri, waxaana la sheegay in 600-askri oo ka mid ah loo dhameeyay tababarka.

 

Wasiirrada dowladda ee ku sugan Xudur ee wada howlahaan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Cadaaladda Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobo), Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Ibraahim Khiis Bur, Wasiirka Beeraha Xasan Maxamed Nuur (Shaargaduud), waxayna dhamaantood sheegeen inay wadayaan howlaha ciidammada dowladda ee la doonayo inay xasiliyaan nabadgalyada dalka.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu – Somalia

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this