Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Aaya-ka-tashiga Gobollada SSC oo lagu wado in uu Saaka ka furmo Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirweynaha Aaya-ka-tashiga Gobollada SSC ayaa lagu wadaa in uu Saaka oo Sabti ah ka furmo magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Shirkan waxaa ku kulmaya Hoggaanka Isimada Dhaqanka ee ugu sarreeya Beelaha SSC oo dhammaantood ku sugan Laascaanood si ay uga taliyaan Masiirka Shacbiga Gobolladan.

Shirka Isimada ayaa ka dhashay Kacdoon mudda bil ah ka socday magaalada Laascaanood kaas oo lagu dalbanayay in Somaliland isaga baxdo Gobollada SSC.

Bilowgii Kacdoonka waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo Ciidamada Somaliland gaarsiiyeen Rayidka aan hubaysnayn.

PUNTLAND POST

The post Shirka Aaya-ka-tashiga Gobollada SSC oo lagu wado in uu Saaka ka furmo Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this