Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo weerar dhanka cirka ah ku qaaday marinka Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Israa’iil ayaa dhawr weerar oo xagga cirka ah ku qaaday marinka Gaza ee go’doonsan maalin kadib markii ciidamada Israa’iil ay xerada qaxootiga ee Jenin ku dileen sagaal falastiiniyiin ah  oo ay ku jirtay haweeney da’ ah.

Ilo dhanka ammaanka ah oo ku sugan Qaza ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Faransiiska in ay dhaceen 15 weerar saacadihii hore ee maanta.

Goob joogayaal iyo warbaahinta gudaha ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay laba gantaal ku dhufteen bartilmaameedyo ku yaalla Qaza,kadib  diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyay afar qarax oo waaweyn.

Weerarada Israa’iil ayaa daba socday ka dib markii laba gantaal lagu soo riday dhinaca Gaza saqdii dhexe ee xalay.

PUNTLAND POST

The post Israa’iil oo weerar dhanka cirka ah ku qaaday marinka Gaza appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this