Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo shaaciyay in uu duqayn ku dilay hoggaamiyihii Daacish ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Duqeyn-1.jpg?resize=650%2C366&ssl=1

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay dileen hoggaamiye sare iyo xubno kale oo ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya, ka dib hawlgal ay ka fuliyeen buuraha Cal-Miskaan ee ku yaalla maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha hawlgalkaas lagu dilay uu ku jiro Bilaal-al-Sudani oo ah, hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

“Bishan January 25-keedii ayaa amar ka yimid Madaxweynaha, wuxuu milateriga Maraykanku uu hawlgallo gaar ah ka fuliyey Soomaaliya, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsan Daacish, oo uu ku jiro Bilaal-al-Sudani, oo ah hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Sarkaal sare oo Maraykanka ah ayaa sheegay inay al-Sudani la dhinteen illaa toban xubnood oo kale, inkasta oo Maraykanku doonayey inay qabtaan hoggaamiyaha Daacish, balse maleeshiyaadka la joogay ayaa sameeyey falcelin.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in al-Sudani uu ka masuul ahaa kobcinta iyo joogitaanka sii kordhaya ee ururka Daahish ee qaaradda Afrika iyo weliba maalgelinta hawlgallada kooxda ee adduunka oo dhan.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa sheegtay inaanay jirin dad rayid ah oo wax ku noqday hawlgalkan. Waxayna u mahadceliyeen laamaha ammaanka ee Maraykanka, kuwa sirdoonka iyo saaxiibada ee kale ee ka taageeray hawlgalkan guulaystay.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo shaaciyay in uu duqayn ku dilay hoggaamiyihii Daacish ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this