Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Diiwaan-gelinta doorashooyinka muranku hareeyay oo laga diiday Gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230127_101840814.jpg?resize=720

Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Nugaal ayaa ka horyimid diiwaan-gelinta hubaysan ee doorashooyinka lagu muransan yahay.

Kulan ku saabsan diiwaan-gelinta doorashooyinka oo shalay dhex maray duqa KMG ah ee Garoowe iyo odayaasha Gobolka Nugaal ayaa fashil ku dhammaaday kadib markii la isku fahmi waayay.

Odayaasha ayaa caddeeyay in aysan diyaar u ahayn diiwaan-gelinta khilaafku hareeyay ee doorashooyinka qof iyo cod oo sida ay sheegeen laga leeyahay ujeeddooyin siyaasadaysan.

Nabaddoonnada iyo Odayaasha ayaa sidoo kale diiday mudda kororsiga uu raadinayo Siciid Deni oo mudda xileedkiisa bilo ka harsan yihiin.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Diiwaan-gelinta doorashooyinka muranku hareeyay oo laga diiday Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this