Sign in to follow this  
General Duke

Latest: PM Geedi flies out to Abuja...Uganda troops arrive in Baidoa

Recommended Posts

Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul-wasaare Geedi oo maanta Baydabo ka ambabaxay.

 

Baydhabo, Sabti, 25 Nov 06 Simba Radio

 

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Ra'iisul-wasaaraha Somalia Prof. Cali Max'ed Geedi ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo.

 

Xubnaha Wafdiga uu hogaaminayo Ra'iisul-wasaaraha Somalia ayaa la sheegay iney ku sii jeedaan Magaalada Abuja ee Dalka Nigeria balse ay sii mari doonaan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya .

 

Ra'iisul-wasaaraha Somalia ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha DFKMGS C/laahi Yuusuf Axmed iyagoo kawada hadlay sida la xaqiijiyay arimo khuseeya safarka Ra'iisul-wsaaraha.

 

Kulanka ay ka qeyb galayaan Wafdiga uu hogaaminayo Ra'iisul-wasaare Geedi ayaa la sheegay in looga hadli doono Arrimaha Argagaxisada kaasoo ay qaban qaabisay Dowlada Mareykanka.

 

 

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qeybtii Labaad ee Ciiddamo ka tirsan Milliteriga dalka Ugandha, oo xalay soo gaaray Magaalladda Baydhabo.

 

Mogadishu , Sabti, Nov 25, 2006 Radio Simba

 

Ku dhawaad Labo Boqol oo Ciiddamo ka socda Milliteriga daalka Ugandha, ayaa xalay ka soo degay Garoonka keliya ee ay DFKMGS maamusho ee ku yaalla Magaalladda Baydhabo, waana Dufcaddii Labaad ee Ciiddamadda Ugandhese-ka ah ee muddo 48-saacadood gudaheedaa ka soo dega Garoonkaasi.

 

Ilo-wadareed lagu kalssoon yahay, ayaa waxay sheegayaan inay Saqdii dhexe ee xalay ay Labo Diyaaradood oo Xamuul oo aad u weyn ka soo degeen Garoonkaasi, kuwaasi oo ay waday Labo boqol oo Ciiddan iyo Shixnaddo gaadiidka Milliteriga ah.

 

Ciiddamadda Ugandheese-ka ee haatan ku sugan Magaallaadda Baydhabo, oo tiradoodu dhan tahay 600-Askari, ayaa waxay qeyb ka yihiin Qorshaha Urur-gobaleedka IGAD ee Ciiddamadda Nabad-ilaalinta lagu keenayo dalka Somalia .

 

Dhinaca kale, Ciiddamadda Ethiopian-ka ee ku sugan Magaalladda Baydhabo, ayaa wada dhaqdhaqaaqyo xooggan oo ay ugu diyaar garoobayaan Dagaal ay ku soo qaadaan Ciiddamadda GMIS, iyadoo ay fariisimo cusub ka dhigteen duleedka Degmadda Buur-hakabo oo ay Ciiddamadda GMIS joogaan.

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAYDHABO: Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ka duulay Magaalada Baydhabo isagoo...

Posted to the Web Nov 25, 13:21

 

 

Baydhabo (PP) - Ra'iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta ka duulay garoonka diayaaradaha ee Baydhabo, isagoo ku sii jeeda Magaalada Abuja ee dalka Nigeria.

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in Ra'iisul wasaraha Soomaaliya uu sii mari doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halasoo uu ku sugnaanayo laba casho, waxaana kulammmo uu kula qaadan doonaan Madaxda Beesha Caalamka ee halkaas ku sugan.

 

Ra'iisul wasaaraha ayaa waxaa horay u sii raacay xubno dhowr ah oo ka tirsan wasiirrada dowladdiisa, waxaana Prof. Geeddi uu kaga qaybgalayuaa dalka Nigeria kulanka Madaxda Afrika iyo Kuwa Koonfurta Mareykanka, kaasoo looga hadli doono dalalka ay ka socdaan iyo xaaladaha ka jira.

 

Prof. Geeddi intii uusan duulin ka hor wuxuu la hadlay Xildhibkaannada Baarlamaanka, isagoo u sheegay in kulankas ay ku soo bandhigi doonaan xaaladda dalka Soomaaliya, ayna warbixin ka siin doonaan Madaxda halkaas isugu timid arrimaha Somalia.

 

"Waxaan idinka codsanayaa inaad noogu soo duceysaan niyadiinna saalaxa ah, si aan shirkaas uga keenno guulo la taaban karo, waayo xildhibaannadu waa kuwo calooshoodu saafi tahay" ayuu yiri Ra'iisul wasaare Geeddi oo intaas ku daray: "Waxaan idiin rajeynayaa inaad dhankiina howlaha ALLE idiin fududeeyo waayo waxaa idin horyaal howlo fara badan".

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dayuurado Sida Dufcadii 2aad ee Xoogaga Militeriga Uganda, Oo Xalay Ka Degay Garoonka Baydhabo (48-saac Gudahood Oo ilaa 600-Ugandees ah laga dejiyey Baydhabo)

 

Posted to the Web Nov 25, 04:05

 

 

BAYDHABO – Magaalada Baydhabo, ee xarunta Dowladda FKMG-ka ee Soomaaliya, ayaa lagu soo waramayaa in qeybtii 2-aad ee Ciidamada Militeriga Uganda, ay xalay ka degeen garoonka Magaalada Baydhabo.

 

 

Ilo-wareed deegaanka ah ayaa ii xaqiijiyey in ugu yaraan ilaa 2-dayuuradaha Militery-ga Uganda ah oo ay la socdaan ilaa 200-askari iyo gawaarida gaashaaman ay seqdii dhexe ee xalay soo caga-dhigteen garoonka Baydhabo, iyadoo xaaladda amaan ee magaalada guud ahaanba si aan horey loo arag loo adkeeyey.

 

 

Waa Dufcadii labaad ee muddo 48-saac gudahood laga dejiyo Baydhabo, waxaana ay tirade ciidamada Xukuumadda Uganda, ka jooga Baydhabo ay ka dhigeysaa haatan ilaa 600 askari, iyagoona ciidamadani qeyb ka ah qorshaha IGAD, ay ciidamada nabad-ilaalineed ugu soo direyso dalka Soomaaliya.

 

 

Warar soo kordhay haatana waxa ay xaqiijinayaan in ciidamo boqolaal sare u dhaafaya oo Ethiopian-ah ay fariisimo ciidan ka sameysanayaan haatan duleedka degmada Buur-hakaba, xilli ay ciidamada Maxkamadaha islaamiga iyaguna ku jiraan diyaar-garowgii ugu dambeeyey.

 

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

Puntlandonline.com

 

 

Muqdisho

 

 

Indhojaceel2003@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this