Sign in to follow this  
General Duke

Geedi + 32 MP's returns to Baidoa...

Recommended Posts

BAYDHABO: Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabtay Baydhabo

Posted to the Web Dec 12, 13:15

 

 

Baydhabo (PP) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prog. Cali Maxamed Geeddi ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay oo ah xarunta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Ra'iisul wasaaraha Somalia Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo markii uu maanta ka soo dagay wasiirro ka tirsan dowlada iyo xildhibaanno, waxaana soo dhaweyntiisa ka qaybqaatay oo kale dadweynaha Degmada Baydhabo.

 

Socdaal laba toddobaad qaatay ayuu Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kaga maqnaa Magaaalada Baydhabo ee gobolka Bay halkaasoo haatan ah xarunta Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana socdaalkiisa lagu wadaa inuu uga warbixiyo saxaafadda dalka.

 

Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa socdaallo kala duwan ku soo maray intii uu dalka ka maqnaa Dalalka Kenya, Nigeria iyo Ethiopia, waxaana halkaas uu kulammo kula soo qaatay madaxda dalkaas, isagoo kaga qaybgalay dalka Nigeria kulankii dalalka Afrika iyo kuwa Koonfurta Ameerika.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo laabtay iyadoo ay taagan yihiin xiisado colaadeed oo u dhexeeya Maxkamadaha iyo Dolwadda Federaalka Soomaaliya, lagana cabsi qabo inay mar kale dagaallo culculus dhex maraan.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

RW.Cali Maxamed Geedi iyo Wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Baydhabo

Last Updated::2006-12-12 15:25:07

 

Baydhabo:- Waxaa maanta soo gaaray magaalada Baydhabo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo xubno kamid ah Golahiisa Wasiirada oo dalka dibadiisa ku maqnaa.

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa Airporka Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyey xubno kamid ah Xukuumada iyo Golaha Wakiilada oo uu horkacayo kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Md.Cismaan Cilmi Boqore.

 

Cali Maxamed Geedi iyo wafdigiisa oo ay ku jiraan Wasiirka Arrimaha Dibada, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xubno kale ayaa booqasho ku tagay Xarunta Madaxtooyada Baydhabo, halkaasi oo ay kula kulmeen Madaxweynaha DFKMG MD.C/laahi Yusuf Ahmed.

 

Kulankaasi ka dhacay Madaxtooyada ayey Ra'iisul Wasaaraha iyo mas'uuliyiinta safarkiisa ku wehliya uga warameen Madaxweynaha arrimihii ay lasoo kulmeen tan iyo intii dalka ka maqnaayeen.

 

Waxaa lagu wadaa inuu dhawaan dalka dibada uga dhoofo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi oo la sheegay inuu ka qeyb geli doono shir caalami ah.

 

Waxaa lagu wadaa inta uu Baydhabo Joogo Ra'iisul Wasaaraha in uu Madaxweynaha iyo Dowlada kala tashado arrimaha la xariira Shirkii Khartuum oo lagu wado inuu furmo 15ka December, kaasi oo la hadal hayo inuu dib u dhici karo.

 

Waxaa sidoo kale jira wadatashiyo la xariira dhinaca Xaalada Amniga ee dalka oo ay xukuumada Federaalka si weyn uga manaaqashooneyso.

 

Amniga magaalada Baydhabo ayaa maanta si weyn loo adkeeyey ayadoo la arkayey Ciidamo aad u badan kuwaasi oo isugu jira ciidamada Booliiska iyo militariga oo si weyn u sugaya amniga jidadka waaweyn ee magaalada iyo xarumaha dowlada.

 

Hussein Farah

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Prof. Geedi oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo.

 

Baydhabo, Talaado, 12 2006 Simba Radio.

 

Ra'iisul Wasaaraha Dowladda KMG ah ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geeddi, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhaba, isaga oo iminkana wada hadallo ay albaabadu u xiran yihii la leh Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi, ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay ilaa 32 xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamanka KMG ah ee Somalia kuwaasi oo kasoo raacay Magaalada Nairobi.

 

Ra'iisul Wasaare Geeddi, ayaa markii soo gaaray Magaalada Baydhaba, waxa uu durbadiiba u dhaqaaqay xarunta Madaxtooyada Dowladda KMG ah ee Somalia, oo uu iminka wada hadallo albaabada ay u xiran yihiiin uu kula lee yahay Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Somalia Col Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Kullankaasi, ayaa waxa ay wararku sheegayaan in Ra'iisul Wasaaraha uu kaga warbixinayo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf socdaalkiisa iyo waxyaabihii uu kala soo kulmay dalal dhowr ah oo uu soo maray.

 

Waxa kale oo lagu warramayaa in labada Mas'uul ay ka wada hadlayaan Xaaladda iminka dalka uu mariyo iyo xiisadaha dagaal ee jira.

 

Ra'iisul Wasaaraha, ayaa dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Nairobi, isaga oo isku dayayay inuu ka dhaadhiciyo xildhibaanada halkaasi ku sugan inay dib ugu laabtaan Magaalada Baydhaba, waxaana la sheegayaa inuu ku guuleystay inuu xubno badan oo xildhibaano ah uu ka dhaadhiciyo inay usoo raacaan Magaalada Baydhaba.

 

 

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'iisul Wasaaraha, ayaa dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Nairobi, isaga oo isku dayayay inuu ka dhaadhiciyo xildhibaanada halkaasi ku sugan inay dib ugu laabtaan Magaalada Baydhaba, waxaana la sheegayaa inuu ku guuleystay inuu xubno badan oo xildhibaano ah uu ka dhaadhiciyo inay usoo raacaan Magaalada Baydhaba.

Another political victory and further isolation of the few MP's and Sharif Xasan in Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geedi oo ka war bixiyay safarkiisa, Eedeeyn na u jeediyay Maxkamadaha

 

Baydhabo 12, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Ra'isulwasaaraha Somalia oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo, kuna laabtay galabta magaalada Nairobi ayaa waxa uu ka war bixiyay socdaaladii uu ku tagay dalalka Nigeria, Kenya iyo Ethiopia.

 

Ra'isulwasaaraha Somalia Cali Max'ed Geedi ayaa saxaafadda uga war bixiyay safaradii uu ku tagay dagalkaasi, isagoo sheegay in kulan uu uga soo qeybgalay magaalada Abuja ee dalka Nigeria, oo uu sheegay in looga hadlay arimaha Somalia, iyadoo kulankaasi ay ka soo qeybgaleen Madaxda dalalka Koonfurta ameerica iyo Africa.

 

Geedi waxa uu sheegay in uu soo maray magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia, isagoo sheegay in kulamo uu kula soo qaatay halkaasi Madax ka tirsan ururka Midowga Afrika iyo Ra'isulwasaaraha Ethiopia, oo uu kala soo hadlay arimaha amaanka geeska Africa.

 

Geedi ayaa waxa uu sheegay in galabta uu dib ugu laabanayo magaalada Nairobi ee dalka kenya si uu uga qeybgalo kulan ay ka soo qeybgaleen madaxda dalalka Harada weyn, iyadoo safarkiisa uu ku wehlin doono wasiirka arimaha dibadda Somalia Ismaciil Hurre Buubaa.

 

Geedi ayaa waxa uu sheegay in safarkiisa uu uga war bixiyay Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf Axmed iyo K/xigeenka labaad ee Baarlamanka Somalia Cismaan Cilmi Boqorre.

 

Ra'isulwasaaraha Somalia waxa uu soo hadal qaaday xiisadihii dhowaan maxkamadaha islaamka iyo dowladda Somalia ku dhex maray magaalada Diinsoor, isagoo ku eedeeyay maxkamadaha islaamka in ay duulaan gardarro ah ku soo qaadeen magaaladaasi oo dowladdu maamul ay u sameysay uu ka shaqeynayay.

 

Waxa uu sheegay in beesha caalamka aanu indhaha ka qabsan doonin gardarada Midowga maxkamadaha ay ku hayaan deegaano ka tirsan gobolka iyo waliba magaalada Baydhabo.

 

Ra'isulwasaare Geedo ayaa waxa uu ku eedeeyay maxkamadaha islaamka in ciidamo shisheeye ay soo galiyeen magaalooyinka Buur-hakaba iyo Diinsoor, ayna ku doonayaan in ay ku soo weeraraan dowladda Somalia xarumaheeda.

 

Ra'isulwasaaraha Somalia mar wax laga weydiiyay qariirad ay soo bandhigeen xildhibaanada baarlmanka oo laga tirey Magaca dalka Somalia, taasoo laga helay xafiiskiisa sida ay sheegeen Mudanayaasha ayaa waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay arinkaasi, isla markaana ay yihiin wax aan sal iyo raad laheyn.

 

Geedi mar waxuu soo hadal qaaday xayiraadda hubka ee saaraan Somalia, isagoo sheegay in arintaasi ay soo dadajineyso xasilinooni ka abuurmata gudaha Somalia, isagoo ka gaabsaday xilliga ay imaanayaan ciidamada shisheeye, balse uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo gaari doonaan magaalada Baydhabo.

 

Ra'isulwasaaraha Somalia ayaa waxa uu ku laabtay galabta magaalada Nairobi ee dalka Kenya, oo uu ka soo kictamay maanta, iyadoo amaanka magaalada Baydhabo si weyn loo adkeeyay.

 

 

 

Max'ed Caddaawe

 

Shabelle Media Network Baay

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Waan hareereynaynaa degmada Baydhabo, dagaal baana ku qaadaynaa maalmaha soo socdana waan ka taqaluseynaa dowladda, waxaana rabaa in aan u sheego shacabka Soomaaliyeed in ay waxaasi yihiin riyo iyo habaaq”

PM Geedi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this