Deeq A. Posted January 26, 2023 Gen. Sulub Axmed Firin Golaha wasiirrada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah ansixiyay magacaabista taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in golahu uu ansixiyay Gen. Sulub Axmed Firin oo loo magacaabay taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya. Sulub Firin ayaa ka mid ah golaha wasiiradda, wuxuuna ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda duulista hawada iyo garoomada ee xukuumadda federaalka, isagoo horay u soo noqday taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliya. Taliye Sulub ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda Jubaland gaar ahaan beesha Habasguul. PUNTLAND POST The post Taliye cusub oo loo magacaabay Booliska Soomaaliya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites