General Duke Posted September 30, 2005 I guess Juma and Olol are busy welcoming the Speaker to our humble city of London.. Welcome Mr Speaker feel right at home. Shariifka oo si diiran loogu soo dhoweeyay London. Posted on Thursday, September 29 @ 17:01:48 PDT by editor waxaa Saacdu Markii ay ahayd 6:20 soo Gaaray magaalada London Wafdigii Gudoomiyah oo uu ka mid yahay Xildhibaan cabi Raxmaan Ibi Waxaa Saacadu Markii ay ahayd 6:20 Am (Subaxdii) Waqtiga London ka soo Dagay Garoonka Caalamiga ah Ee Hethrow Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Shariif Xasan Sh.Aadan Iyo Wafdigii La socday oo Dhamaantood ku Faraxsanaa Imaanshaha Magaalada London Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif xasan Sh.Aadan Iyo Wafdigii La socday ayaa waxa ay Dhamaantood Gacmo Qaadeen Dadkii ka soo qayb Galay Soo Dhawaynta Wafdiga oo aad u badnaa Dad aa u badan ayaa waxa ay soo Dhaweeyeen Wafdiga Gudoomiyaha oo Markaas ka Muuqatay Daal Fara badan , waxaana Loo qaaday Wafdigii Hotelkii loogu Talaa galay Shariif Xasan ayaa waxa uu qaban Doonaa Kulamo Aad u balaaran oo ay ka soo qayb Galayaan Dhamaan Jaaliyada UK ku nool oo uu uuga war bixin doono Safaradii uu ku soo Maray Canada Iyo USA Wafdiga ayaa waxaa Wax ka soo Dhaweeyay Madaxda Ururka SCG Iyo Xildhibaano uu ka mid yahya Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf , Xildhibaan Mustaf Dhuxulow , Zakariya Xaaji Iyo Dad Aad u Tira Badan Maalmah Sabtida Iyo Axada ayaa waxaa La qaban doonaa Shirar aad u balaaran oo ay ka hadli Doonaan Shariif Xasan Iyo Xildhibaanad La socada Hadaba kala socda Waxii ka soo kordha Wafdiga Shabakada Onkod Iyo Dayniile Tafatiraha Onkod London Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 30, 2005 Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo si weyn loogu soo dhoweeyay maanta magaalada London. September 30, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Ridwaan Xaaji Cabdiweli. HornAfrik. London, U.K. Gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka kasoo dagey garoonka caalamiga ah ee Heathrow ee ku yaala Magaalada London, isagoo ka yimid socdaalo uu kusoo kala bixiyay dalalka Mareykanka iyo Canada, oo maalmahan uu kula kulmayey mas'uuliyiin iyo Soomaalida ku nool dalalkaasi. Socdaalka Shariifka waxaa si weyn ugu soo dhoweeyey London Soomaali aad u fara badan iyo xubnaha Ururka Somali Concern Group, oo ay kamid yihiin guddoomiyaha ururkaasi Eng. Yariisoow iyo xoghayaha guud ee ururkaasi Cabdulaahi “Taleefanâ€. Shariifka waxaa socdaal kiisa ku wehelinayey wafdi uu kamid yahay xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi, waxaa kaloo iyana la sugayaa iney isla London soo gaaraan qaar kamid ah wafdigii horey usii raacey Shariifka, oo wafdiga guddoomiyaha aan la soconin maanta. Mar aan khadka taleefanka kula xiriirey Shariif Xasan mudada ay joogayaan magaalada ayaa waxaa uu ii sheegay iney u qorshaysan tahay ilaa maalinta talaadada ah iney joogayaan London, isla markaana ay la kulmi doonaan mudadaasi siyaasiyiin ajnabi iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool London. Horey waxaa magaalada London usii joogey xildhibaanada kala ah Md. Maxamed Xassan Daryeel, Md. Sakariye Maxamud Xaji Cabdi iyo Mustafe Sheekh “Cali Dhuxulowâ€. Waxa sidoo kale ku sugan magaalada London xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Yoonis_Cadue Posted September 30, 2005 I beg your pardon, who did you said arrived in London today? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 30, 2005 ^^^ Do you wat to know who came?????? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Castro Posted October 1, 2005 With what passports are these mofos travelling around the world? Certainly not with a Somali passport. Quote Share this post Link to post Share on other sites