Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Xasan arrives in London

Recommended Posts

I guess Juma and Olol are busy welcoming the Speaker to our humble city of London.. Welcome Mr Speaker feel right at home.

 

Shariifka oo si diiran loogu soo dhoweeyay London.

Posted on Thursday, September 29 @ 17:01:48 PDT by editor

 

 

waxaa Saacdu Markii ay ahayd 6:20 soo Gaaray magaalada London Wafdigii Gudoomiyah oo uu ka mid yahay Xildhibaan cabi Raxmaan Ibi

 

Waxaa Saacadu Markii ay ahayd 6:20 Am (Subaxdii) Waqtiga London ka soo Dagay Garoonka Caalamiga ah Ee Hethrow Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Shariif Xasan Sh.Aadan Iyo Wafdigii La socday oo Dhamaantood ku Faraxsanaa Imaanshaha Magaalada London

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif xasan Sh.Aadan Iyo Wafdigii La socday ayaa waxa ay Dhamaantood Gacmo Qaadeen Dadkii ka soo qayb Galay Soo Dhawaynta Wafdiga oo aad u badnaa

 

Dad aa u badan ayaa waxa ay soo Dhaweeyeen Wafdiga Gudoomiyaha oo Markaas ka Muuqatay Daal Fara badan , waxaana Loo qaaday Wafdigii Hotelkii loogu Talaa galay

 

Shariif Xasan ayaa waxa uu qaban Doonaa Kulamo Aad u balaaran oo ay ka soo qayb Galayaan Dhamaan Jaaliyada UK ku nool oo uu uuga war bixin doono Safaradii uu ku soo Maray Canada Iyo USA

 

Wafdiga ayaa waxaa Wax ka soo Dhaweeyay Madaxda Ururka SCG Iyo Xildhibaano uu ka mid yahya Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf , Xildhibaan Mustaf Dhuxulow , Zakariya Xaaji Iyo Dad Aad u Tira Badan

 

Maalmah Sabtida Iyo Axada ayaa waxaa La qaban doonaa Shirar aad u balaaran oo ay ka hadli Doonaan Shariif Xasan Iyo Xildhibaanad La socada

 

Hadaba kala socda Waxii ka soo kordha Wafdiga Shabakada Onkod Iyo Dayniile

 

Tafatiraha Onkod

 

London

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo si weyn loogu soo dhoweeyay maanta magaalada London.

 

September 30, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Ridwaan Xaaji Cabdiweli. HornAfrik.

London, U.K.

 

Gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka kasoo dagey garoonka caalamiga ah ee Heathrow ee ku yaala Magaalada London, isagoo ka yimid socdaalo uu kusoo kala bixiyay dalalka Mareykanka iyo Canada, oo maalmahan uu kula kulmayey mas'uuliyiin iyo Soomaalida ku nool dalalkaasi.

 

Socdaalka Shariifka waxaa si weyn ugu soo dhoweeyey London Soomaali aad u fara badan iyo xubnaha Ururka Somali Concern Group, oo ay kamid yihiin guddoomiyaha ururkaasi Eng. Yariisoow iyo xoghayaha guud ee ururkaasi Cabdulaahi “Taleefanâ€.

 

Shariifka waxaa socdaal kiisa ku wehelinayey wafdi uu kamid yahay xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi, waxaa kaloo iyana la sugayaa iney isla London soo gaaraan qaar kamid ah wafdigii horey usii raacey Shariifka, oo wafdiga guddoomiyaha aan la soconin maanta.

 

Mar aan khadka taleefanka kula xiriirey Shariif Xasan mudada ay joogayaan magaalada ayaa waxaa uu ii sheegay iney u qorshaysan tahay ilaa maalinta talaadada ah iney joogayaan London, isla markaana ay la kulmi doonaan mudadaasi siyaasiyiin ajnabi iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool London.

 

Horey waxaa magaalada London usii joogey xildhibaanada kala ah Md. Maxamed Xassan Daryeel, Md. Sakariye Maxamud Xaji Cabdi iyo Mustafe Sheekh “Cali Dhuxulowâ€. Waxa sidoo kale ku sugan magaalada London xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this