Deeq A. Posted January 26, 2023 Wararka ay Goobjoog News ka heleyso buuraha Calmiskaad ee hoostaga degmada Iskushuban ee gobalka Bari ayaa sheegaya in duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacay xalay lagu beegsaday fariisimo ay Daacish ku laheyd deegaanka. Duqeynta oo ah mid culus ayaa socotay illaa subaxnimadii hore ee saaka, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta. Laammaha ammaanka Puntland ayaa sheegay in ay burburiyeen fariisimo ay Daacish ku lahayd halka ay duqaynta ka dhacday. Sanadihii u dambeyay laammaha ammaanka Puntland ayaa buuraha Calmiskaad ka waday hawlgallo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Daacish. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites