Sign in to follow this  
Deeq A.

Garaad Maxamed Garaad Abshir oo saaka ku wajahan Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1674710009367.jpg?resize=720%2C40

Diyaar-garowgii u danbeeyay ee soo dhawaynta Garaad Maxamed Garaad Abshir ayaa saaka ka socota magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Garaadka Maxamed oo saaka ka amba-baxay Garoowe ayaa ku sii jeeda Laascaanood halkaas oo uu kaga qayb-galayo Shirka Aaya-ka tashiga Beelaha SSC.

Garaadka ayaa sidoo kale xalay Garoowe kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash iyo siyaasiyiin kala duwan.

Waxaa la sheegay in ay ka wada-hadleen xaaladda Gobollada SSC ee uu ka curtay Kacdoonka buluugan islamarkaana ka tashanaya aayahooda.

PUNTLAND POST

The post Garaad Maxamed Garaad Abshir oo saaka ku wajahan Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this