Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Fall international delegates talk at the NRC

Recommended Posts

Francois Fall Oo Hadalo Ka Jeediyay Madasha Shirka

-------------------------------

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 06-Augosto-2007

 

 

Wafdigi ka socday beesha caalamka ee saakay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa ey ka qeybgaleen shirweynaha dib u heshiisiinta Qaran kadib kulamo ey kula soo qaateen xarunta madaxtooyada madaxda sare ee dowladda federalka.

 

Wafdigan oo uu horkacayey wakiilka Qaramada Midoobay ugu qeybsan arimaha Somalia Francois Lonesy Fall ayaa waxa uu hadalo ka jeediyay madasha shirka oo uu ka sheegay in Qaramada midoobay si weyn u taageersantahay shirkan ey ka warsugeyaan waxa kasoo boxo.

 

"Qarammada Midoobay waxay shirka Qaran ka taageeraysaa dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxayna soo dhaweynaysaa qaabka uu ku socdo shirka”, wuxuuna intaa raaciyay in uu shaqsi ahaantiisa uu aad ula dhacsan yahay sida habsamida leh ee uu shirkan u socdo.

 

Mr. Fall ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ey kula dardaarmeyso in shirka laga soo qeyb galiyo dhamaan kooxaha mucaaradka ee ku kala sugan dalka dibadiisa iyo gudaha hadii ey meel iska dhigayaan qalalaasaha una hogaansamayaan axdiga kumeel gaarka ah ee Somaliya "“Waxaa xiriirro kala duwan oo aan la soo sameynay Cali Mahdi uga codsannay inuu u ogolaado xubnaha shirka ka maqan inay ka soo qabgalaan, wuuna naga ogolaaday”, ayuu yiri wakiilka Qaramada Midoobay ugu qeybsan arimaha Somalia Francois Lonesy Fall.

 

 

Wafdiga Mr. Fall oo ay ka mid ahaayeen xubno ka socday Midowga Yurub iyo safaaradaha Norway, Swedan, Danmark iyo Masar ayaa waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin sida uu shirku ku socdo, waxayna balanqaadeen inay mar kale shirka dib ugu soo laabanayaan si ay ula socdaan natiijooyinka kasoo baxa.

 

Xubnahan beesha caalanka ka socday ee soo gaaray madasha shirka ayaa kula dardaarmay ergooyinka shirka in ey ka shaqeeyaan nabadda iyo sidii loosoo afjari lahaa calaadaha la dagay dalkooda Somaliya.

 

Wafdigan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay madasha shirka, waxaana gabi ahaanba badalmay jawiga shirka oo ey hareereeyeen heeso, sacab iyo amaan loosoo jeedinayay wafdigan soo booqday.

 

 

Calanka.com:Isha Wararka Xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, oo booqasho hawleed ku yimid Magaalladda Muqdishu

 

Mogadisho, Talaado , August 07, 2007 SMC

 

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Francious Lonses Fall iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey ayaa barqanimaddii maanta ka soo degay Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde Inteernational Airport ee magaalladda Muqdishu.

 

Wafdiga oo ku yimid Labo Diyaaradood oo ay QM leedahay ayaa waxay si toos ah u abaareen Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia, halkaasi oo ay kulammo kula yeelanayaa Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul-wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi.

 

Dhinaca kale, Mr. Fall iyo xubnaha Beesha Caalamka ee la socda, waxa u qorsheysan inay booqdaan, isla markaana ay Hadal ka jeediyaan Madasha hirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia oo Toddobaadkiisa saddexaad ka socda Xeradda Gaadiidka Boliska ee Degmadda C/casiis ee magaalladda Muqdishu.

 

Wafdiga Caalamiga, oo aan weli tiradooda la shaacinin, ayaa waxaa ka mid ah Diplomaasiyiin, La-taliyayaal dhinacyadda Dhaqaalaha iyo Ammaanka iyo Wakiillo ka kala socda Dalalka Deeqaha bixiya, waxay kulan la qaadanayaan Guddoomiyaha Shir-guddoonka Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia, Md. Cali Mahdi Maxamed iyo xubnaha kale ee Shir-guddoonka.

 

Imaanshaha Wafdigan ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo aysan Ergooyinka Shirkaasi aysan helin Lacagihii Gunnadda ee loo qoondeeyey, iyadoo ay QM iyo Hay’a’adaha Caalamiga bixiniyaan Kharajka Guud ee loogu talagalay Shirweynahaasi oo ay ka qeyb galayaan 1,600- oo Ergo oo ka kala socda dhammaan Beelaha iyo Ururradda Bulshadda ee Somalia.

 

 

 

 

Guddoomiyaha Shir-guddoonka Shirkaasi, Md. Cali Mahdi Maxamed, waxa uu horey u sheegay inay Hay’adda QM ugu qaabilsan Horumarinta Barnaamijyadda “UNDP” mas’uul ka tahay bixinta Kharashaadka lagu socoddsiinayo Shirweynahaasi oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagu qabto gudaha dalka Somalia.

 

Dhinaca kale, Wafdiga uu hoggaaminayo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Francious Fall, ayaa ah Ergaddii Labaad ee ka socda QM, Hay’adaha Caalamiga iyo Diplomaasiyiinta oo muddo bil gudaheeda socdaal hawleed ku yimaada magaalladda Muqdishu, si ay u qiimaynaya Hawlaha Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta iyo xaalladda guud ee magaalladda Muqdishu.

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Mogadishu Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

fall001.jpgWakiilka xoghayaha guud ee Q.M ugu qeybsan arimaha Somalia. Mr. Fall oo lagu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

 

 

fall002.jpgMr. Fall oo lagu soo dhaweynayo xarunta shirka dib u heshiisiinta beelaha Somalida ee magaalada Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

fall004.jpgSarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo gacan qaadaya ama salaamaya Mr. Fall

 

fall003.jpgMr. Fall iyo Cali Mahdi oo wada fadhiya madasha shirka dib u heshiisiinta

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this