Deeq A. Posted January 25, 2023 Warqado ay ku qoran yihiin xog loo calaamadeeyay inay yihiin kuwo sir ah ayaa laga helay guriga madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence toddobaadkii hore, wuxuuna markii dambe diiwaankaas sirta ah u wareejiyay FBI-da, sida uu qareenkiiisu sheegay Talaadadii. Greg Jacob, oo ah qareenka Pence ayaa Keydka Qaranka ee National Archives ee lagu keydiyo siraha iyo taariikhda Mareykanka u diray warqad uu ku ogeysiinayo dukumentiyadaas 18-kii January, isaga oo sidoo kale warqad gaar ah 22-kii bishan ku ogeysiiyay kaydka in FBI-du ay u timid guriga madaxweyne ku xigeenkii hore si ay u soo qaaddo warqadahan. Soo shaac bixista warqadahan ayaa Pence ku dareysa liis ay ku jiraan Donald Trump oo uu u ahaa madaxweyne ku xigeen iyo madaxweyne Joe Biden oo iyagana guryahooda laga helay warqado sir ah. Jacob, wuxuu ku sheegay warqadda uu u diray Kenydka Qaranka in “taxaddar badan awgeed” uu Pence u shaqaaleysiiyay sharciyaqaan madaxbannaan si uu u eego diiwaannada ku kaydsan gurigiisa kadib markii lasoo sheegay agab laga helay guriga Biden. PUNTLAND POST The post Warqado Sir ah oo laga helay Guriga Mike Pence appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites