Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo sheegtay in aysan Ciidankeeda kala bixi doonin Gobollada SSC

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1674555564551.jpg?resize=720%2C48

Taliyaha Ciidamada Somaliland Gen. Nuux Taani oo Warbaahinta kula hadlay Taliska Gooja-cadde ee duleedka Laascaanood ayaa shaaciyay in aysan dheg u dhigi doonin baaqa lagu dalbanayo in ay ka baxaan SSC.

Taliye Taani ayaa sheegay in Ciidamada Somaliland shaqadooda qabsanayaan islamarkaana aysan dheg jalaq u siin doonin hadallada Garaadada oo uu ku tilmaamay deel-qaaf.

Taliyaha Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in gaadiidkii dagaal iyo ciidamadii ay Laascaanood la soo galeen Isimada SSC ay ahaayeen kuwa Somaliland.

Waxa xusid mudan in Ciidamada Isimada galbinayay ay siteen Calanka Soomaaliya iyo kan Khaatumo taas oo su’aal gelinaysa sheegashada Somaliland.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo sheegtay in aysan Ciidankeeda kala bixi doonin Gobollada SSC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this