Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ka qayb-gashay Shirka Isgaarsiinta Teknolojiyada dalalka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1674541844428.jpg?resize=720%2C48

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa ka qeybgalay shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Magaalada Qaahira  ee dalka Masar, waxaana Shirka ku wehlinaya Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka  Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh.

Shirka 26-aad ee Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Carbeed ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen adkeynta xiriirka iskaashi ee dhinaca Teknolojiyada ah ee dalalka Carabta, ansixinta istraatiijiyada Carbeed ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, xoojinta addeegyda boostada, ganacsiga Elektronic-ga ah, hubinta amniga internet-ka iyo is-dhaafsiga khibradaha maamulka Teknolojiyada cusub.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Jaamac Xasan Khaliif inta uu ku suganyahay Magaalada Qaahira waxa uu kulamo doceedyo la qaadan doonaa Wasiirada dhigiisa ee dalalka carbeed ee ka soo qeybgalay shirka iyo Dowladda Masar oo ay kawada hadli doobaan xoojinta xiriirka labada Dal.

FB_IMG_1674541831874.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1674541836958.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1674541826936.jpg?resize=540%2C96 FB_IMG_1674541844428-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1674541861468.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1674541855640.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo ka qayb-gashay Shirka Isgaarsiinta Teknolojiyada dalalka Carabta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this