Deeq A. Posted January 24, 2023 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug. Inkastoo aan rasmi ahaan loo ogayn xilliga uu baxayo madaxweynaha, hadana waxaa ka socda magaaladaasi diyaar garowga soo dhaweynta wefdiga madaxweynaha, waxaana halkaasi la geeyay ciidamo dheeraad ah. Degmada Xarardheere waxaa gacanta ku haya Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaas oo la wareegay Todobaadkii hore maalmo kadib markii ay isaga baxeen Al-shabaab. Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli uu socdo diyaar-garowgii u danbeeyay ee Al-shabaab lagaga saarayo magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud halkaas oo ah degmada keliya ay hadda ka haystaan Galmudug. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan degmada Xarardheere appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites