Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Government Suspended UN-ICAO

Recommended Posts

Hargeysa (Somaliland.org) - Hay’adda caalamiga ah ee Duullimaadyada iyo socdaalka rayidka (ICAO) ayaa joojisey dhammaan shaqadii ay ka haysey madaarada dalka, kadib markii khilaaf soo kala dhexgalay iyaga iyo wasaaradda Duulista Hawada oo ay wada shaqaynayeen hay’addaas.

 

Warar soo baxay kadib markii hay’adda ICAO ay joojisey shaqada Sabtidii dorraad, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ku amartay masuuliyiinta hay’addaas inay ka baxaan dalka, shaqadana ay joojiyaan, taas oo ka dambeysey khilaaf muddo soo jiitamayey oo ku saabsan dhinaca dhaqaalaha oo u dhexeeyey hay’adda iyo Wasaaradda Duulista Hawada.

 

Hase yeeshee, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, mudane Cali Maxamed Warancadde ayaa warbaahinta u sheegay in masuuliyiintii hay’addaasi ay iyagu joojiyeen shaqadii ay ka hayeen dalka, isla markaana ay cadho dalka kaga baxeen kadib, markii aanu ku canaananay ayuu yidhi in ay gabeen shaqadii ay ahayd inay madaarada dalka ka qabtaan.

 

“Dabadeed, niman lala hadli jiray maahee intii bay dhibsadeen, ka dibna shaqaalihii ayay ku yidhaahdeen joojiya shaqada, hada ka horna sidan oo kale way nagu sameeyeen oo markii shaqada madaarka habeenimada lagu daray ayay iyaga oo ku andocoonaya dhaqaale uma hayno hawsha habeenkii, taana immika wasaarada ayaa qabata,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Wasiirka oo la weydiiyey inay iyagu dalka ka eryeen madaxdii hay’adda, waxa uu sheegay in aanay eryin, balse, uu warqad ugu dhiibay madaxda ka sarraysa oo jooga xaruntooda Nairobi, taas oo uu sheegay in nuxurka ay xambaarsanayd ay ahayd in ay soo kala caddeeyaan inay wax ka qabanayaan madaarada dalka iyo inay iska baxayaan. Waxana uu sheegay in waxa ay ka dalbanayaan ay tahay lacag badan oo ay Somaliland leedahay oo ay hay’addaasi hayso inay dalka wax ugu qabtaan.

 

Lacagtan khilaafku ka dhashay oo ah khidmadda laga qaado diyaaradaha hawada Somaliland mara waxa qabata hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Horumarinta ee UNDP oo ka masuul ah hawada dalkii burburay ee Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, iyada oo hay’adda ICOA-na ay u joogtey dalka la socodka iyo hagista diyaaradaha maraya hawada Somaliland iyo horumarinta Madaarada iyo adeegyadooda, iyada oo hawlahaas ku fulisa ama ku shaqaysa lacagta laga qaado diyaaradaha mara hawada Somaliland ee ay qabato UNDP. Hase yeeshee, maadaama aan la aqoonsanayn dowladnimada Somaliland, lacagta laga qaado diyaaradaha mara hawada Somaliland waxay ka mid tahay lacagta loo hayo Soomaaliya, waxaana kasoo gaadha Somaliland wax fara-guudkood ah oo soo mara hay’adda ICAO.

 

Wasiirku waxa uu ku doodayaa in lacag ilaa 4 Milyan oo doolar ah ay hay’addaasi hayso, taas oo uu sheegay in 70% laga qaaday diyaaradaha mara hawada Somaliland. Waxana uu xusay in muddo dheerba khilaafka ku saabsan lacagtaasi uu u dhexeeyey xukuumadda iyo hay’adda ICAO, isla markaana Wasaaraddu ka tabaabushaysatay sidii ay uga maarmi lahayd hay’addaas.

 

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this