Sign in to follow this  
Deeq A.

Taagerayaasha Arsenal ah oo lagu xiray Uganda

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dalka Ugand ayaa xabsiga u taxaabay ugu yaraan 20 dhalinyaro ah kuwaas oo taageera kooxda kubadda cagta Arsenal.

dadkaan ayaa la qabtay xilli ay la socdeen kolonyo taageerayaal ah oo u dabaal dagayay guusha ay kooxda ka gaartay dhiggeeda Manchester United kulan ka tirsan horyaalka ingiriiska.

“Ma garan karo waxa aan sameynay, waxaan u dabbaadageynay guusha aan ka gaarnay Manchester United” ayuu yiri Baker Kasule oo uu wargeyska soo xigtay.

Wargeyska The Monitor ayaa ku soo waramay in dadkaan laga qabtay bartamaha magaalada Jinja, iyaga oo dabaaldagyo sameynaya.
Ma cadda illa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xariiga dhalinyaradaan, balse waxa ay noqotay dhacdo aad looga hadal haayo baraha bulshada.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this