Sign in to follow this  
Deeq A.

Culimada Soomaaliyeed oo shir uga furmay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16744964212300654.jpg?resize=720%

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha culimada Soomaaliyeed.

Shirka oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa la sheegay in culimada Soomaaliyeed kaga hadli doonaan bayaaninta diinteena suuban ee Islaamka iyo la dagaallanka fikirka Al-shabaab.

Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in culimaa’udiinka Soomaaliyeed ay ku mideysan yihiin shirka, ayna ka yimaadeen gudaha dalka iyo dibadiisa.

PUNTLAND POST

The post Culimada Soomaaliyeed oo shir uga furmay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this