Deeq A. Posted January 23, 2023 Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha culimada Soomaaliyeed. Shirka oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa la sheegay in culimada Soomaaliyeed kaga hadli doonaan bayaaninta diinteena suuban ee Islaamka iyo la dagaallanka fikirka Al-shabaab. Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in culimaa’udiinka Soomaaliyeed ay ku mideysan yihiin shirka, ayna ka yimaadeen gudaha dalka iyo dibadiisa. PUNTLAND POST The post Culimada Soomaaliyeed oo shir uga furmay Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites