Sign in to follow this  
Deeq A.

Burkina Faso oo France u qabatay in ay mudda bil ah Ciidankeeda kala baxdo dalkaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Burkina Faso ayaa weydiisatay France inay ciidankeeda dalkaas ugala baxdo muddo bil gudaheed ah, sida ku cad warqad diblomaasi oo mas’uuliyiinta ay u direen Paris.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa Axaddii sheegay in Paris ay sharaxaad ka sugeyso Burkina Faso kadib markii militariga xukuma dalka ay sheegeen inay doonayaan in ciidamada Faransiiska ay ku baxan bil gudaheed.

Macron ayaa ku baaqay “taxaddar dheeri ah” isaga oo sheegay in uu jiray “jahwareer badan” oo ku saabsan hadallo ay warbaabinta sheegeen inuu jeediyey hoggaamiyaha militariga Ibrahim Traore.

Warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibedda Burkina Faso, oo ku taariikheysan Arbacadii, ayaa soo afjareysaa heshiikii 2018 ee ciidamada Faransiiska lagu geeyey halkaas, waxayna u qabatay muddo bil ah bixitaankooda.

PUNTLAND POST

The post Burkina Faso oo France u qabatay in ay mudda bil ah Ciidankeeda kala baxdo dalkaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this