Juje Posted October 21, 2009 Markab dagaal oo maraykan ah oo gacanta ku dhigay doon ay wateen kooxo Soomaali ah oo laga helay Xashiishad qiimahoodu gaarayso $28 Milyan oo doolar. Shabelle: BAXREYN Markab dagaal oo laga leeyahay dalka maraykan ah ayaa gacanta ku dhigay doon ay wateen kooxo Soomaali ah oo laga helay Xashiishad qiimahoodu gaarayso $28 Milyan oo doolar. Warbixin ay soo saareen saraakiil sar sare oo Maraykanka ah islamarkaana la socday markab kuwa dagaalka ah ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen doon ay wateen kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo siday ilaa 4 tan oo Xashiishad ah oo qiimaheeda lagu qiyaasay 28 milyan oo doolarka Maraykanka ah. Saraakiisha ayaa sheegay in markabka dagaalka ee Maraykanka islamarkaana gacanta ku dhigay doontaasi kooxaha burcad badeeda Soomaalidu ay wateen lagu magacaabo USS Anzio waxaana doonmtaasi gacanta lagu dhigay Maalintii qamiista aheeyd xili ay ka soo anba baxday biyaha gacanka cadmeed islamarkaana ay ciidamadu ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan markii ay uga shakiyeen in ay yihiin kooxo burcad badeed Soomaali ah islamarkaana qorshe maleegayay. Warbixinta ay soo saareen saraakiisha ciidamada Maraykanka ee la socday Markabka dagaalka ee Maraykanka ee fadhigiisu yahay dalka Baxreyn ayaa sheegay in doonida ay ku qabteen meel 170 meyl u jirta Waqooyiga Galbeed ee Salalah iyo Cumaan,waxaana ay sheegeen in daroogada saaran ay ku qiyaaseen in ay gaarayso 28 Milyan oo doolar. Markabkaani dagaalka ee gacanta ku dhigay doonidaasi kooxaha burcad badeeda ayaa waxaa uu qeyb ka yahay maraakiibta isbahaysiga ee reer Galbeedka islamarkaana wada howlaha ka dhanka ah burcad badeeda Soomaalida kaasoo ujeedadiisu ay tahay in lagu yareeyo weerarada iyo Afduubka ka dhanka ah maraakiibta shisheeye ee ku safarta xeebaha Gacanka Cadan iyo biyaha Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites