Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumanaan shacab ah oo Laascaanood ku soo dhaweeyay Garaad Jaamac Garaad Cali

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1674468012360.jpg?resize=720%2C54

Garaadka guud ee Gobollada SSC iyo Doollo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa 15 sano kadib maanta dib ugu laabtay magaalada Laascaanood.

Garaadka oo ay galbinayaan gaadiid dagaal iyo ciidamo hubaysan ayaa kumanaan shacab ah ku soo dhaweeyeen Laascaanood.

Garaad Jaamac ayaa ka qayb-galaya Shirka Aaya-ka-tashiga beelaha SSC oo la filayo in uu Todobaadkan ka furmo Laascaanood kaas oo daba socda kacdoonka Shacabka.

Garaadka ayay Laascaanood ugu danbaysay 23 October 2007 oo ku beegan 8 cisho kadib markii Somaliland qabsatay Laascaanood 15-kii October ee sannadkaas.

PUNTLAND POST

The post Kumanaan shacab ah oo Laascaanood ku soo dhaweeyay Garaad Jaamac Garaad Cali appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this