Sign in to follow this  
N.O.R.F

Maraykanka Iyo EU’da Oo Qiimeenaya In Xayiraad Socdaal Iyo Mid Dhaqaale La Saaro Riya

Recommended Posts

N.O.R.F   

Maraykanka Iyo EU’da Oo Qiimeenaya In Xayiraad Socdaal Iyo Mid Dhaqaale La Saaro Riyaale

 

(London, UK Somaliland.Org) Safaarada maraykana ee nairbo ayaa maanta soo saartay war saxaafadeed ay ku cambaareenayso go’aanka Madaxweyne Rayaale iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku soo saareen eek u aaddanaa in Diiwaangelin-la’aan lagu galo Doorashada. Waxaana ay ugu baaqeen Madaxweyne Rayaale in uu ka fiirsado go’aankaas oo uu dib ugu noqdo.

 

 

 

Massuul ka tirsan shaqaalaha safaarada nairobi ayaa sheegay in ay ka fakarayaan hadii dawlada Riyaale ka noqon waydo go’aankeeda, in sida ugu dhakhsaha badan ay ugu soo rogaan xayiraad la saaro dhaq dhaqaaqa socdaal “travel vissa” iyo xanibaad lagu soo rogo dhamaan wixii dhaqaale ah ee u yaala accounts kooda dibadaha”.

 

 

 

Talaabadan ayaa noqond doonta mid gabi ahaanba saameesa wasiirada dawlada Riyaale. Hore ayaa qaar kamid ah diblomaasi ka tirsan wadamada iyagu ku bahoobay Euriope u soo qaadeen fikrada ah in wadanmadoodu ka fiirsanayaan sidii ay xayiraad xaga socodka ah loogu soo rogi lahaa siyaasiyiinta xukumada Riyaale, hadii ay is hortaagaan geedi qabsoomida doorashada Somalailand ee dhawaan lagu wado in ay ka dhacdo dalka Somaliland.

 

 

 

Dawlada Riyaale ayaa u muuqata mid wadamada reer galbeedku ku quus gooyeen, iyada oo wadamo badan oo jecel in wax la qabtaan Somaliland na ay sugayaan dhamaystirka doorashada dhawaan la filayo in ay ka dhacdo Somaliland.

 

 

 

Bishii July 13 keedii ayaa Hay’ada Human Right Watch soo saartay qoraal 56 bog ah, oo ay cinwaan uga dhigtay “Dimoqraadiyad Curdin ah oo halis ku jirta Qalalaasaha Doorasho wuxuu caddeynayaa walaac ka wayn ee Xuquuqda Aadanaha”. Qoraalkan ayaa ahaa mid si tafi tiran uga waramay tacadiga iyo gafafka dawlada Riyaale kula kacdo saxaafada madaxabanaan, siyaasiyiinta mucaaridka iyo shakhsiyaadka kale ee iyagu markaa wax ka sheega dawlada Riyaale.Waxaana muuqata in war saxaafadeedka maanta Maraykanku soo saaray tahay mid muujinaysa walaaca iyo dareenka xun ee wadamada reer galbeedku ka qabaan sida ay xukumada

 

Riyaale u dhaqmayso.

 

 

 

 

 

Maaha markii ugu horeesay ee wadamada reer galbeedku saaraan xayiraad noocan oo kale, qaarka mid ah madaxda Afrika ee iyagu ku xadgudba arimaha xuquual insaanka iyo dimuqraadiyada la xidhiidha ayaa iyaga xayiraad noocan oo kale ah hore loo saaray. Waxaana ka mid ah siyaasiyiinta iyagu xayiraadani lagu soo rogay Robert Mugabe, naagtiisa iyo qaar ka mid ah wasiirada dawladiisa. Waxaa kale oo isna xayiraad noocan oo kale la saaray madaxweynaha Sudan Mudane Omar al-Bashir.

 

Somaliland.Org News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this