Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo si adag uga hadashay Kitaabka Qur’aanka ah oo lagu gubay dalka Sweden

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay falka uu ku kacay nin xagjir ah oo dowladda Sweden u ogolaatay in uu safaaradda Turkey horteeda ku gubo Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Qoraal ka soo baxay wasaarada Arrimaha dibadda Soomaaliya oo af ingiriis ku qornaa ayaaa lagu sheegay in arrintani ka dhigan tahay xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah xurmada diimeed iyo daandaansi lagu hayo dareenka muslimiinta aduunka oo dhan.

” In la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka waa gebi ahaanba wax aan la aqbali karin. Wax kale maaha ee waa dhaqan kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda wuxuuna u adeegaa xagjirnimada iyo argagixisada” aya lagu yiri Qoraalkaas.

Rasmus Paludan oo ah hoggaamiyaha xisbiga Stram Kurs (Hard Line) oo ay ilaalinayaan Booliska Sweden ayaa falkaas ku kacay Sabtidii Todobaadkan waxayna dhacdadaas caro xooggan ku abuurtay Muslimiinta dunida.

2023123638100305798285914.jpg?resize=660

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo si adag uga hadashay Kitaabka Qur’aanka ah oo lagu gubay dalka Sweden appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this